Shidaal la gaarsiiyay Qasa iyo keydkii hore oo maanta ku eg
Ilaa 25,000 oo litir oo shidaal ah ayaa saaka ka soo galay marinka Rafax ee dalka Masar, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan ilaalada xadka ee dalkaasi.
Gaarsiinta ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobay iyo hay’adda samafalka ee Mรฉdecins Sans Frontiรจres ay ka digeen in kaydka shidaalku ee Gaza uu dhammaan doono Arbacada.
Israaโiil ayaa muddo toddobaadyo ah xannibaysay shidaalka la geyn jiray Gaza, iyadoo ku doodaysa in Xamaas ay xado oo ay uga faaโiidaysato arrimo ciidan.
Mar sii horreysay, millatariga Israaโiil ayaa sheegay in qaar ka mid ah baabuurta xamuulka ah ee Qaramada Midoobay ee gargaarka u daabula Qaza shidaal lagu shubi doono.