Maxkamada Kenya Oo Damaanad Lacag ah kusii Daysay Duqa Magaalada Nairobi.

Duqa Magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa maanta lagu sii daayay damiin lacageed oo gaadhaysa $150,000 oo dollar.

Arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo aanan weli go’aan laga soo saarin eedeymo loo soo jeediyey oo la xidhiidha musmaasuq.

 

Mike Sonko ayaa lagu amray in uusan tagi Karin Xafiiskiisa taasoo keentay su’aasha ah, yaa sii maamuli doono magaalada Nairobi.

Maxkamadda horteeda ayuu ka sheegay inuusan gaysanin eedaymaha loo soo jeediyey, oo ay ka mid tahay inuu lunsaday lacago malaayiin dollar gaadheysa.

 

Mike Sonko ayaa lagu soo eedeeyey in lacag gaaraysa $ 3 milyan uu ku qabsaday adeegyo sharci darro ah oo isaga u gaar ah iyadoo akonadiisa bankigana laga helay lacago aad u fara badan oo uu ku keydsaday.

Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker