CISMAAN BUURMADAW KAMA DUWANA KUWA U DHASHAY SOMALILAND EE KA TIRSAN MAAMULKA XAMAR EE QARANIMADA SOMALILAND DAGAALKA KU WADA

Waxaa jira dad badan oo gude iyo dibadba maamulka Xamar u adeegsado hagardaamada iyo waxyeelada jiritaanka qaranimada Somaliland. Waxay adeegsadaan tabo badan iyo xeelado ay had iyo goor ku daboolaan xiqdiga, iyo colaadda ba’an ee ay ku hayaan somaliland. Waxay geed dheer iyo geed gaabanba ufuulaan sidii ay u wiiqi lahaayeen jiritaanka qaranka Somaliland.

 

Maamulka kolayga kujira, ee xamar ee ciidamada jaabajaabaha ah ee afrikada laga soo uruuriyay ay ilaaliyaan, waxuu foolxumo kasta iyo maamul la’aanta ka taagan ku xilqarsadaa inuu colaad joogto ah kuqaado somaliland.

Waxay dadka si khaldan ugu beer laxawsadaan soomaaliyi ma kala gu’i karto. Iyagoo kawada Hargaysa iyo –Xamar. Caqlixumada iyo garasho darraantooda uma haystaan in somalida Kenya, somalida dawlad deegaanka itoobiya, iyo Jabuuti midkoodna somali tahay.

 

Hargaysa, Jigjiga iyo Jabuuti waa saddexda caasimadood ee geyiga soomaalida isugu dhaw, waxaase kala xadeeya xuduud dawladeed, mana jiro qof soomaali ah oo dhibaato ka sheegta xuduudaha dhexdooda ka jira.

 

Maamulka xamar ee adeegsada dadka somaliland u dhashay, ee gude iyo dibadba ka sheega in somaliland xaq u lahayn inay xuduuddeeda ka taliso, iyo in dacaayad colaadda maamulka xamar ku hayo lagu qariyo, oo dastuurka qaranka, iyo jiritaanka somaliland qofka ku gafaba laga dhigo qof u madax bannaan gafka uu gaysto.

 

Way jiraan dad badan oo u adeega maamulka xaaraanta ah ee xamar jooga, kuwaas oo halqabsi ka dhigta soomaali lama kala goyn karo, oo ay ka wadaan xuduudda u dhaxaysa somaliland iyo maamulka xamar. Dadkaasi waxay aqoonsan yihiin dhammaanba xuduudihiii gumaysigu u sameeyay dawladahii ka dhashay dhulka soomaalida, ee xuduuddoodu shanta dawladood kala raacday.

 

Waxaa ummadda somaliland ku dhex jira kuwa uu ka mid yahay Cismaan buurmadaw, oo sida xoolaha in dhirta laga duwo mooyee, aan aqligiisa kaga leexan. Waxuu had iyo jeer hadalo meel ka dhac ah, oo aan loo meeqaan dayin ugaysta ummadda somaliland, iyo qaranimada ummadda somaliland.

 

Waxay dhawaan baarlamanka somaliland xeer ka soo saareen, in lala dagaalamo, oo ciqaabtiisa la mariyo dadka ama cidda u ololaysa hindisayaasha lagu dhaawacaayo jiritaanka qaranimada Somaliland. Gaar ahaan kuwa Somaliland u dhashay, ee maamulka xamar ka tirsan, iyo inta kale ee tallaabadooda ku dhaqaaqdaba.

 

Waxaa maxkamadda Hargaysa ciqaab xadhiga ku xukuntay gabadh somaliland u dhalatay, oo tuugada xamar maamushaa ku khiyaameeyeen hadalada ay u adeegsadaan colaadda iyo dagaalka ay somaliland ku wadaan.

 

Waxuu qaranka somaliland dadka tusay inaan loo dulqaadan doonin cidkasta oo ka qayb qaadata hagardaamada iyo wiiqidda qaranimada somaliland.

Maanta waxaynu aragnay in ninka la yidhaa Cismaan Buurmadaw uu dastuurka Somaliland iyo jiritaanka Somalilandba si badheedh ah u dedaafeeyay.

 

Shir dhaqameed nin lagu caleemasaarayay oo gobolka puntland ee maamulka soomaaliya ka tirsan, ayuu hadal ka sheegay, in isaga iyo intii la socotay ee somaliland ka tagtay, talo qaranka somaliland soo faray, ay wadaan, imaatinkooduna salka ku hayo.

 

Waxuu sheegay in xataa madaxweynaha somaliland usoo igmaday, oo wixii ay arrin keenaan, iyo ujeeddadoodaba madaxweynuhu ku raacsan yahay, madaxweyne Muusena aragtida kala simanyahay.

 Waxuu sheegay inaanay xuduudahaa somaliland sheeganayso, aanay ahayn wax sax ah, dadka dagaankaasna aan wax xuduud dawladeed ahi kala dhex oolli karin. Isaga oo ku afgobaadsanaya dadkani maaha dad ciidamo dhulkooda la keeno u baahan.

 

Waxuu sheegay in aanu maamulka Puntland ku khaldanayn inuu xuduudda somaliland kusoo xadgudbo, oo baadil kusocdo.Waxuu waxkama jiraan ka dhigay xuduudda somaliland, iyo waajibaadkii dawladda ee ahaa nabadgelyada somaliland iyo xuduuddeeda in la sugo, ay tahay baaddil,

Waxuu yidhi waxaanu kala hadalay muuse biixi, culaysna ku saarnay, inuu ciidanka xuduudda kasoo celiyo.

 

Waxuu madashii ka qiray in arrinku aanu ahayn colaad maamulka Somaaliya ka hurinayo xududda Somaliland, balse ay tahay arrin u dhaxaysa maamulka cabdiwali iyo Muuse Biixi,

Buurmadaw oo dhex taagnaa maamul ka mid ah maamulka xamar ee colaadda somaliland ay ka go’antay, halkaasna ka sheegay in niman siyaasiyiin ahi ummadda kala qoqobayaan.

 

Waxuu caddeeyay in aan somaliland sheegan karin xuduud u dhaxaysa iyaga iyo maamulka xamar, isla markaasna waxuu arrinta somaliland qaranimadeeda xuduudda ay la wadaagto maamulka xamar ee talyaanigu gumaysan jiray, inay tahay arrin udhaxaysa Cabdiwali Gaas iyo Muuse Biixi.

 

Taliska ciidanka bilayska somaliland, iyo xeerilaalinta qarankaba waxaa laga sugayaa jawaab, dembiga intaa leeg ee uu qaranka ka galay ninka Cismaan Buurmadaw.

Dawladda madaxweyne Muuse Biixi waxaa laga sugayaa, in buurmadaw iyo wefdigii uu watay ay talo qaran, oo madaxweynaha ay isla ogaayeen ay ku ambabaxeen.

 

Golayaasha Qaranka waxaa looga fadhiyaa inay ka jawaabaan inay taladaa qaran la ogaayeen, oo arrinta uu u socdayba aanay ku ekayn caleemasaarka oday dhaqameedka, ee ay jirtay arrin dawladdu u dirsatay si uu maamulka Cabdiwali Gaas ula soo xaalo.

 

Buurmadaw haddaanu ogaynba dembiyada intaa leeg iyo been abuurka uu xukuumadda iyo golayaasheeda ku been abuuranayo, dastuurka qaranka iyo shuruucda uu farayona waxkama jiraan ku tilmaamayo, Xeerilaaliya Qaranka iyo ciidamada Bilaysku arrinkaa meel ha saaraan.

Haddii kale waddo halaq ayay noqon, oo kuwii ceebaynta qaranka la dhuuman jiray ayaa bannaanka usoo bixi doona.

 

Buurmadaw hadduu noqday doqontii malafsiga baratay, isaga iyo qaranka midkood ayaa quus noqon

 

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London  U. K.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker