CAWARO WAA LA FAALAYNAYAY IYO CAMALADEEDII TANI WAA CARJUUQ II DHEH IYO BEENTA AAN KU LUUQEEYO

illaahay (sw) waxaa uu kashifay Siilaanyo iyo Musse Qalooc oo weligii hoosta kaga jiray lana ogaa dhagarta loo malaasayo waddanka iyo shacabka masaakiinta ah, waxaa manta mugdi galay waddankii S/land waxaa manta god madaw galay Qaranimadii waddanka S/land oo indhaha laga riday, waxaa marar badan la odhan jiray waar keena wixii aad la gasheen imaaraadka waa laga waayey, hadaba waa ka Samir waddankii dhamaa.
  • Adiguna Qaloocow waxaad taagan tahay quuse,
  • Kitaabkii midigta laguu saaray waa ku soo qabane,
  • Dhalan’teed hadii uu kula ahaa waa ku dhibayaaye,
  • Asagaa dhimbiilihiyo ka daran dhuub lagaa jaraye,
  • Ninkaan’diinta dhigan waa dhadhamin dhamacdi naareede,
  • Dhagta fura dhambaal’kaani waa dheef ninkii garane
  • Guuldarrooyinkoogii shalay gocanayaan weliye

    Goolashaan dorraad dhalinnay bey guda is leeyiine

    Gaashaanbuur dulmiga loo dhisay garabsanaayaane

 
Dulmi falaha igu guurayaan Diric u haystaayeNimaan daacad igu maamulayn Digasho mooyaane

Oo inuu daluun igu ridiyo Dabino ii qoolay

Ama wuxu daldalo uun raboo Duunyo laga raacay

Anigaa durbaanada u tuma, Kana digtoonayne

Ololaha darjiidhka ah markuu, Dad ugu baaqaayo

Anigaan siduu doonayaba, Diiday odhanayne

Dumar heesa oo looga hadhay, qabiil ku luuqaynta

Dhaaxay kornayladu wadeen, kala faquuqaase

Mar hadii sirtii soo shaac baxaday, daahir yaa shamise

Alle magane macawistii buu ka riday carabka shaydaane

Waxaa la yidhi maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa hada muuse kursiga lagu fadhiisi balse balan qaadkii ahaa anagu dhiilaha buuxsanay welina gaaxdaad maali muusowe fadhiiso xagga alle ayaa laga kashifay waana taa carabkii illahay (sw) ka hadliyey ee uu kashifay ceebtoodii ay qarsanayeen maxay odhan wejigeese dadka la hor imaan wejigoodii ayaa diirka uu ka dhacaye maxay samay oon ahayn in ay meesha ka tagaan

wasiir sacad oo mudo 7 sanno ah been sheegayey hadana muuse lagu yidhi ninkaa sirtii buu hayaa ha bedelin beentana isagaa inoo xafidee sidaa hakuu wado malaa tanaa dhacaysa isma lahayn

Baashe cawil moorgan oo isna mudo intuu soo inadha kuusho dadka ku lahaa hour marbaynu gaadhanay inagaa saxeexanay beeney waa run beentu waxay jirtaa inta runtu soo gaadhayso oo keliya waana taa manta timid

Hadaba ACCOUNT kii ay islahaayeen lacagta ku shubta ee Baashe iyo Sacad soo furteen ee muuse biixina la ogaa iyo weliba siilaanyo maatadana lagu dhici lahaa isna waa kii hore illahay (SW) u kashifay ee mar keliya laysla kacay kana jawaabi kari waayeen ma tan oo kalaa la arkay maba xishoonayaan oo illahay (SW) kama baqayaan kulahaa anagaa S/land isugu qoray oo s/land lama aqoonsana hadaa ma Baashe iyo Sacad baa la aqoonsan yahay waa cajiib wax walba waynu arki.

 

 

CABDI CALI OBSIYE

jmladam413@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker