Boqor Buurmadaw Walaalkii oo Afka Furtay Sheegayna In dad badan Ay ku faraxsan yihiin xadhigga Buurmadow

Faarax Aw Maxamuud Maxamed oo ah Boqor Buurmadow walaalkii ayaa sheegay in la bahdilay Boqorka markii la xidhayay loona soo diray ciidamo tiro badan oo u hanjabay dad waxgarad ah oo uu la joogay Hotel dad badani ku cawaynayeen. Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo waxgarad uu sheegay in ay ku ololeeyeen in Buurmadow la xidho.

 

Faarax ayaa xadhiga walaalkii ku xidhiidhiyay kala qaybsanaanta bulshada Somaliland ee ka dhalatay doorashadii madaxtooyada waxaanu sheegay in si qabyaaladaysan loogu ololeeyay xadhiggiisa “Maalmahan oo dhan guux baa socday; masuuliyiin badan oo Somaliland ah oo mucaarad ama madax dhaqameed ah ama kuwo wax kale tabanyo ah ayaa aad ugu celcelinayay gabadh la xidhay oo hadda ka hor Xamar tagtay oo la lahaa Naciima Qorane-ba waa la xidhaye waa in Boqor Buurmadow-na la xidha waxaanad moodaysay in xadhigga(Buurmadow) laga raadinayay (4.5),” Sidaas ayuu yidhi Faarax oo u jeeda in hab qabiil loo eegay xadhigga.

Mar la waydiiyay waxa iska khuseeya xadhigga Buurmadow iyo Naciima Qorane wuxuu ku jawaabay “Waxay muujinaysa; dalka doorashada ka dhacday Buurmadow-na xisbiga Kulmiye ayuu aad u taageeray, dad badan buu ka xanaajiyay doorashadana waa la isku dhacaa, xanaftaas oo jirtay ayaa haddana inantaas la xidhay, marka waxa (Buurmadow) lagu xidhay waa inantaba hadal ay Xamar ka tidhi ayaa lagu xidhee haddii Buurmadow Puntland tagay oo hadal ka yidhi waa in la xidho,”

 

 

Waxa uu sheegay in dad ku faraxsan yihiin xadhigga Buurmadow oo sidii arooska ugu mushxaradaya, waxaanu sheegay in ay muhiim tahay isku haynta umadda.

Boqor Cismaan Buurmadaw

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker