Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Arinta Saami Qaybsiga Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Saleeban Yuusuf Cali, ayaa tafaasiil ka bixiyey mowqifka Xukuumadda ee ku wajahan cabashada saami-qaybsiga iyo Kootada Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay.

 

Wasiir Koore oo Salaasada maanta u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in cabashada saamiga Kuraasta Golaha Wakiilladu, ay tahay mid aan gobol iyo laba ku koobnayn ee ay tahay arrin bulsho-weynta oo dhami qabto, in xilligan xalkeeda la raadinayaana caqabad ku noqonayso qabsoomida Doorashada xisbiyadu ku heshiiyeen in sanadkan la qabto.

 

“Arrinta saami qaybsigu maaha mid gobol ku koobane waa arrin la wada qabo Somaliland oo dhan oo ay qolo kastaa sida ay doonto u arragto, taasina waxa ay sababtay in cid waliba istidhaahdo adiga ayaa lagaa badan yahay oo ay wax tirsato”ayuu yidhi
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyey “Somaliland-na waxa lagu dhisay wax la yidhaahdo wada-tashi iyo isu tanaasul. arrinta saami-qaybsiguna had iyo jeer waxa ay ka taagan tahay waa Kuraasta Baarlamanka, kuraasta baarlamankana waxa lagu xalin karaa qaranka guud oo arrintan ka wada shira, laakiinse aanay noqon qodob hor-istaaga Doorashada. waxa haboon Goleyaasha oo sal mugii fadhiya in laga wada hadlo saami-qaybsiga, laakiinse ma haboona in laga wada hadlo Doorasho bilo ka hadhsan yihiin.”

 

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in qaran ahaan laysku waafaqay in Doorashada goleyaasha xeer-dejinta la qabto, intii ka hadalka saami-qaybsigu sii jiitamin lahaa muddo-dhaafka doorashada baarlamanka “Golaha Baarlamanku wuxuu fadhiyaa 15 sannadood, markaa in dimuquraadiyadii dhimato oo saami-qaybsi laga wada hadlo iyo Doorashada la qabto, qaran ahaan waxaanu garanay in ay haboontahay in saami-qaybsiga dib loo riixo oo Doorashda la qabto.

 

Doorashada marka la qabto ee ay goleyaashu sal muggii u fadhiistaan ha laga wada hadlo saami-qaybsiga, haddii gobol doonayo in kursi u kordho amma mid kursi ka go’ayo”.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in ka-tashiga saami-qaybsigu keeni karo in dastuurka la furo, taasina u baahan tahay wakhti ku filan”saami-qaybsigu maaha mid qof iyo laba hadalkooda ku dhamaanaya waa wax umaddoo dhami in ay u soo wada fadhiisato loo baahan yahay, haddii saami-qaybsiga wax laga bedelayo in dastuurka la furo ayey noqonaysaa. Dastuurka in la furaana waxa ay u baahan tahay wakhtigeeda, degenaanshiyaheeda iyo goleyaal salka u fadhiya, markaa umadda Somaliland waxaan ka codsanaynaa in ay nala fahmaan in aynu Doorashada galno, kursi iyo laba waa wax aynu maamuli karno’e wixii khaldana aynu gadaal ka saxno”.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu waxa uu sidoo kale tilmaamay in qoondada Haweenka iyo beelaha la haybsoocaa ay tahay dariiq lagu xaq siinayo bulshada aan codkoodu muuqan, xukuumadduna waajibkeeda ka gudatay oo ay go’aankeeda ka sugayso goleyaasha Baarlamanka.

 

“Qoondadu waxa weeye in gobol kasta saddex dumar ah iyo hal qof oo beelaha laga tirada badan yahay ah laga doorto. Sharciga Kootadu goleyaasha Baarlamanka ayuu u yaallaa in ay ansixiyaan, xukuumad ahaan waanu gudbinay, waxaanan ugu talogalnay in iyadoo aan nidaamka laga bixin ay gaar ugu tartamaan haweenka Somaliland gobol kasta” ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker