Raysal Wasaaraha Soomaaliya Rooble Oo Kulan La Qaatay Qoyska Ikraan Tahliil

Hooyada dhashay Sarkaal Marxuum Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegtay in wali Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hor taagan yahay in ay Caadaalad hesho gabaddheeda.

Waxa ay sheegtay in uu ku howlan sidii loo baabin lahaa Kiiska ayna tahay wax aan la aqbali karin.

Dhanka kale Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka mid ah Ehelada Sarkaal Ikraan ayaa qoraal kasoo saartay xaaladda Kiiska waxayna sheegtay in wali Farmaajo uu hor taagan yahay.

Ugu dambeyntii maanta waxay la kulmeen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad kuwaas oo mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad.

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

Waxa uu RW Rooble qoyska Ikraan Tahaliil uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin ,waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo inshallah maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker