Xasuuqii ka dhacay Dalka Ruwaanda,, ‘Waxaan ka mid ahay Carruurtii kufsiga ku dhashay’

Wiil 24 jir ah oo reer Rwanda ah oo hooyadiis lagu kufsaday xasuuqii dalkaas ka dhacay ayaa BBC-da uga warramay sidii uu ku ogaaday duruuftii u ku dhashay. magacyadoodii ayaa la baddalay sababo la xiriira ceebta ku gadaaman kufsigaas, oo ilaa maanta jira.

Jean-Pierre ayaa sheegaya in markii uu sii dhammaynayey dugsiga hoose laga codsaday in uu warqad buux buuxiyo balse uu iswadiiyey cidda dhab ahaantii aabbe u ah.

“Ma aanan aqoon- ma aanan garanayn magaciisa,” ayuu yidhi.

Digniin: dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay ka xumaadaan waxyaabo ka mid ah qoraalkan.

In aabe aanu guriga kugula noolayn waa wax aan caadi ahayn: carruur badan oo kale ayaa sidaas oo kale laga yaabaa in aanay aabbe lahayn – in ka badan 800,000 oo qof ayaa lagu dilay xasuuqii Rwanda ka dhacay sannadkii 1994-tii.

Hand of Carine (not her real name) in Rwanda

BBC
My son kept asking who his father was. But among 100 men or more who raped me, I could not tell the father”
Carine
Rwandan genocide rape victim
Presentational white space

Waxa uu maqli jiray xanta dadka tuulada ku nool, iyo magacyada loogu yeero – balse sanooyin badan ayay ku qaadatay in uu xaqiiqada ogaado.

Hooyadiis ayaa mar ay sheekadaan ka hadlaysay waxa ay tidhi: ” Ma ahan wax hal mar la wada qaadan karo”.

“Waxa uu maqlay xog kala duwan. xan ayuu maqlay. qof kasta oo bulshada ka mid ah waa uu ogyahay in la i kufsaday. ma jirin wax aan arrintaas ka qaban karey,” ayay tidhi.

“Wiilkayga waxa uu waligiisba i waydiin jiray waa kuma aabbahay. balse 100 nin iyo ka badan ayaa in kufsaday, ma sheegi karo aabbihiis.”

‘Meel aan u cararo ma leh’

Dhab ahaantii sida ay carruur badani ku dhasheen ayaa ah natiijadii ka dhalatay kufsigii ka dhashay xasuuq 100 maalmood ah oo 1994 ka dhacay dalkaas.

Qamada Midoobay ayaa samaysay dadaallo ay ku doonaysay in ay kusoo afjarto gaboodfalladan la xiriira galmada – Kufisiga ayaa sannadkii hore sida hubkii loogu adeegsaday dagaallada ka dhacaya laga bilaabo Suuriya ilaa Colombia iyo sidoo kale laga bilaabo Jamhuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ilaa Myanmar,

Dadkii ka badbaaday kufsigaas ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sheekooyinkooda ayagoo adeegsanaya hashtag-gga #EndRapeinWar.

,

Balse lama aqoonsan karo dadkii dhacdooyinkaas ku lugta lahaa – xataa haddii nus karni dambe la baaro. markaan eegno sheekada Carine way iska caddahay sababta ay u sugaysay tan iyo inta uu cugeedu ka waynaanayo.

Da’da uu haatan wiilkeedu jiro ayay jirtay markii la kufsaday, waxayna ka mid ahayd boqolaalkii kun ee haweenka ahaa kana soo jeeday qawmiyadda Tutsi-ga oo ay fara xumeeyeen maleeshiyaadkii Hutu-ga oo ay wada dagaan.

,Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Marka la eego dhibaatada gaartay, Carine calaf uun baa u laabnaa oo kaliya.

.

“Carruur la dayacay”

Sheekadaan – ama kuwo la mid ah ayaa 25-kii sano ee la soo dhaafay laga werinayey carruurta reer Rwanda, in kastoo aan marna si daah furan looga hadlin.

“Kufsigu waa xaaraan, inta badanna ceebta haweenka uun bay ku dhacdaa halkii ay ragga ku dhici lahayd” ayuu yidhi Sam Munderere, oo ah madax fulinta ee hay’ad gargaarka ka shaqaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker