Qodobbada Ka Soo-baxay Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta.

Fadhigii 114aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-biximo ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo shirkii hore golaha hor-keentay Siyaasadda Qaranka ee Is-beddelka Cimillada.
Sidoo kale, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane, Cabdisamad Cumar Maal oo ka soo qayb-qaatay diyaarinta Siyaasadda Qaranka ee Is-beddelka Cimillada ayaa golaha faah-faahin dheeraada ka siiyey ahmiyadda uu Qaranka u leeyahay, waxaanu goluhu ku ansixiyey cod gacan taag ah. Dhinaca kale waxa goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Mudane Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo qabyo-qoraalka Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casriga ah (Cyber Security and Cyber Crime ACT) oo golaha loo qaybiyey shirkii hore ayaa golaha ka siiyey xogo la xidhiidha muhiimmada uu dalka iyo dadka u leeyahay, iyadoo goluhuna dhinacooda dood iyo falan-qayn dheer uu ka yeeshay.
Waxa kale oo golaha loo qaybiyey Siyaasadda Horumaarinta Beeraha Somaliland oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faahfaahin dheeraada ka bixiyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ku dheeraaday ahmiyada looga gol-leeyahay siyaasadan.
Doodaha Xeerka iyo Siyaasadda ka dib waxa uu Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey:
1) Qabyo-qoraalka Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda iyo Dembiyada Tiknoolajiyadda Casriga ah (Cyber Security and Cyber Crime ACT), kaas oo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah.
2) Siyaasadda Qaranka ee Is-beddelka Cimillada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker