Xisbiyada Mucaaradka oo Ka Hadlay Xilka Qaadida Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa (OWN) Xubnaha Komishanka Doorashooyinka u qaablisan Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI Yusuf Keyse Cabdilahi Iyo Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo warbaahinta ku la Hadalay Afaafka hore ee Xaruunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka Hadlay Xilka qaadida lagu Sameeyaay Gudoomiyihii Hore ee Komishanka Cabdirashiid Riyo-Raac Waxanay sheegen xubnahani inay Xubnaha Komishanku Xaq u leeyhiin Dhexdooda inay Isbadal ku sameeyaan .

Xooghayaha Warfaafinta UCID Yuusf Keyse ayaa sheegay in isbadlka ku yimid hogaanka komishnka ay tahay Hawl ugaara

“Isbedelka ku yimid Hogaanka Komishanku waa hawl u gaar ah iyaga, Todobada xubnood ee Komishanku way dhaar-san-yihiin, kii yimaaddaba waanu la shaqaynaynaa, muhimadduna waa in ay shaqadu socoto, ilaa haddana diyaar garawga hawsha Diinwaangalintu si fiican ayay u socotaa…,” Sidaa Waxa yidhi Xoghayaha Warfaaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi.
Ismaaciil yare ayaa isna Geestiisa sheegay inay Xaq u leeyihiin Isbadalka ay ku Sameeyeen Gudahooda.
“Komishanka Doorashooyinka Qaranka dorraad, shalay iyo maantaba waanu joognay wax xaalad iyo dhib ah oo ka taagganna maanu arag sideedii bay nabad u ahayd. Intii laga tagi waayo Komishanka ayaa laftoodu dhexdooda isbedel sameeyay oo guddoomiye cusub doortay anagana guddoomiye kasta oo la doorta waa isugu kayo mid 7 xubnood ee Komishanka Qaranku.
Komishanka Xeer iyo nidaam baa siiyay in ay dhexdooda isbedeli karaan wax cusubna naguma ah oo aanu danayno iyagana xaq u leh waanay noo sheegeen in isbedel dhacay ciddii hore ee joogtayna ma eedaynayno cidda timidna ma hambalyaynayno maaddaama oo aanay noo siman yihiin xubnaha Komishanku.
Isbedelkooda xeerkooda iyo nidaamkooda ayaa siiyay wax saamayn ahna kuma yeelanayso arrinta doorashada.” Ayuu yidhi Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare)
Hargeysa /Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker