Hargaysa: Qoys Ka Koobnaa 4 Qof oo dhamaantood ku dhintay Gurigoodii oo ku Dumay

 

 

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in arrin murugo leh ay saaka ka dhacday gudaha magaaladaasi,
Kadib markii qoys dan yar ahaa uu ku soo dumay dhisme ay ka daganaayeen xaafadda Bir-jeex. Ee  Degmada Axmed dhagax

Qoyska ayaa ka koobnaa illaa afar ruux.oo kala ahaa labo caruur ah,Aabahood iyo hooyadii , kuwaas oo dhammaan ku dhintay isla goobta.

 

Reerkan ayaa deganaa Aqal Soomaali ka dhex dhisnaa dhismo qadiimi ah oo ku yaalla xaafadda Bir-jeex, kaas oo ka mid ah guryihii uu dhisay Ingiriiska.

 

Aabaha qoyska ayaa lagu magacaabi jiray, Faysal Aadan Cabdi, halka hooyaduna ay aheyd Xaamilo.

 

Sidoo kale waxaa goobta ay dhibaatadu ka dhacday gaadhay mas’uuliyiin ka tirsan Dawlada Somaliland, sida Duqa Hargeysa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex iyo taliyaha guud ee ciidanka Dab Damiska ee  Dalkaasi,

 

kuwaas oo ka qeyb qaatay gurmadka la fidiyey.

Meydka afarta qof oo ugu dambeyn laga soo saaray dhismaha hoostiisa ayaa lageeyey isbitaalka magaalada Hargeysa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker