Dowlada Sweden Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Dadka Ka Yimaada Israel & dalal kale

Dowlada Sweden ayaa maanta ka dhawaajisay inay mamnuucday safarada dadka uga yimaanaya lix dal oo uu ku jiro Mareykanka.

Dalalka kale waxaa ka mid ah Lubnaan, Israa’iil, Kosovo, Montenegro iyo Waqooyiga Macedonia, waxaana laga mamnuucay soo galitaankooda Dalka Sweden iyadoo sidoo kale la kordhiyay mudada xayiraadooda.

Wasiirka arimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sababta ugu weyn ay tahay in kiisaska corona ee Wadamadan ay sii kordhayaan.

Waxa uu dhanka kale sheegay in ay la socdaan talaabada ay dhawaan soo jeediyeen Midowga Yurub ee ku aadan Xaalada Corona Sida wadamada Mareykanka oo kale.

Xayiraadaha ayaa la kordhiyay laga bilaabo 6 Septempar waxayna soconayaan illaa laga gaaro 31 -ka Oktoobar.

Dhinaca kale, iyadoo dhawaan isu socodka waddamada Canada iyo Mareykanka dib loo furay kadib markii uu COVID 19 aawadii u xirnaa muddo sanad iyo bar ku dhow, dowlada Mareykanka waxay kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fiirsadaan aadista Canada.

Mareykanka ayaa digniintiisa ku sababeeyay COVID-19 oo kordhaya dartiisa, laakiin dadka ka shaqeeya hoteellada iyo goobaha dalxiiska ayaa ka cabanaya tallaabadaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker