War Kooban oo kasoo Baxay Kulankii Madaxda Ururka Taalibaan iyo Maraykanka

Wasiirka Arimaha Debadda ee Maraykanka ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay ergaydii ka socotay Taalibaan iyo xukuumda Kabul.

 

 

Kadib markii uu Sabtidii kula kulmay wakiilo ka socda Taliban iyo dowlada Afghanistan magaalada Doha,

 

Pompeo wuxuu ku baaqay in si weyn hoos loogu dhigo rabshadaha wuxuuna ku booriyay dhinacyada inay la yimaadaan qorshe siyaasadeed oo keeni kara xabad joojin waarta.

 

 

Isla waqtigaas, Pompeo iyo wafdiga Mareykanka waxay carrabka ku adkeeyeen inay doonayaan horumar laga gaadho wadahadallada nabadda.

 

 

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa shaacisay in guul laga gaadhay wadahadalada, laakiin ma jiro wax faahfaahin ah oo arrintan ku saabsan oo laga yidhi kulamadii ay la yeesheen Pompeo , ururka Taalibaan iyo dawlada Afqaanistaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker