Kaadiriin KULMIYE Ka Tirsanaa Oo Qaarkood Laga Caydhiyay Xisbiga Oo Isku Diyaarinaya Mucaaridad Culus Iyo Xaruntii Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Shalay Lagu Duceeyay, Xoolana Lagu Qalay!.

Hargaysa-(OWN)-Iyadoo aad loogu dhegtaagayo halka uu ku dambayn doono Guux xoogan oo ka dhex socda Xisbiga Kulmiye dhexdiisa kaasi oo sugi kari la’ Shir weynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo lasheegay in loo qoondeeyay inuu qabsoomo bilawga sanadkan Cusub ee maalinta bari ah bilanaya ee 2019-ka, ayaa waxa durba la dareemayaa abaabulo iska soo horjeeda oo si gooni gooni ah ay u qabsanayaan dadyaw iyo siyaasiyiin kala afkaar ah oo ku kala jira Xisbiga Kulmiye iyo kuwo iyaga dhawaan laga caydhiyay Xubinimadii Xisbiga Kulmiye.

Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire) oo hore xilal kala duwan oo Wasiirnimo uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye, kana mid ahaa Siyaasiyiin dhawaan laga caydhiyay Xisbiga Kulmiye ayaa Doraad Kulan Qado ah Huteel Guuleed ugu sameeyay siyaasiyiin Miisaan Culus oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan iyo Siyaasiyiin kale. Kulankaasi oo si weyn ugu faafay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa islamarkaana sas qaadsiiyay hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa sida ay Wargeyska Foore ay u xaqiijiyeen dad aad ugu dhuun daloolay Kulankaasi ay noo sheegeen inuu ka mid ahaa Kulamada siyaasadeed ee uu dabada ka wado Cabdilaahi Geeljire oo ay isku urursanayaan islamarkaana isku xog waraysanayaan siyaasiiyiin damacsan inay duufaano Mucaarididad ah ku istaadhaan Xukuumadda iyo Shir weynaha Kulmiye oo qabsoomidiisa la hadal hayo, kaasi oo la sheegay in korodhsiimo uun loogu samaynayo Hogaanka hadda joogga.

Sida Warbixintan aanu u helnay waxa Kulankan Qadada ah ee uu Cabdilaahi Geeljire Doraad Huteel Guuleed ku sameeyay ka soo qayb galay oo joogay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii hore ee Kulmiye Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Xildhibaan Waabeeye oo isagu Xisbiga Kulmiye hore uga diga rogtay iyo Masuuliyiin kale. Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Kulankaasi oo sheegaya inay Masuuliyiintani Kulankani afkaar siyaasadeed oo ay ka siman yihiin ay iskugu yimaadeen balse waxa ay wararkan naga soo gaadhay ay sheegayaan inuu Kulankaasi shaki Culus ku dhaliyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye islamarkaana loo qaatay mid ujeedo siyaasadeed oo gaar ah hagoogan islamarkaana ka mid noqon kara  isdiidooyinka Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye dhex wareegaya.

Dhinaca kale Waxa Shalay Xarunta Guud ee Kulmiye ee Magaalada Hargeysa ka dhacday Casuumad Duco lagu sheegay oo xoolo badan lagu sadqeeyay, kaasi oo illaa Galabnimadii lagu wishiiriyayay. Waxa Ducadaasi ka qayb galay Dad u badan Garabada Haweennka Kulmiye, Marwada laabad ee Madaxweynaha, Dhalinyaradda Xisbigaasi, Qaar ka mid Goleyaasha Xisbiga iyo Xubno Hogaanka Sare ee Xisbiga ka tirsan oo uu ka  mid yahay Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Ahna Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga  Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee Ducadaasi loo qabtay balse Xubno Xisbiga Kulmiye ka tirsan oo aanu la xidhiidhnay waxa ay noo sheegeen inay ujeedada Ducaasi ay ahayd “Balaayo Xijaaban”, islamarkaana waxa ay noo sheegeen in Xarunta lafteeda oo basaastay loogu ducaynayay. Xogo kale ayaa noo sheegay inay ducadaasi ahayd mid dhoolo tus ah oo hor dhac u ah dhaq dhaqaaqyo uu Xisbigu iskugu diyaarinayo Shir weynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la rajanayo inuu qabsoomo bilawga sanadkan 2019, gaar ahaan illa bisha labaad ee sanadkan Bari oo Salaaso ah bilanaya.

Xisbiga Kulmiye ayaa ku jira xaalad Culus oo Guux badan, taasi oo ay samaynayaan Siyaasiyiin u hanqal taagaya booska Gudoomiyenimada Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi Dabadii iyo rag hankii ay lahaayeen ee ay ugu soo ololeeyeen Wakhtigii Doorashada ka waayay Xukuumadda jirta, waxaana isha lagu hayaa qabsoomida Shirweynaha Golaha dhexe oo siyaabo kala duwan rag ugu muuqda.

Source:- Foore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker