Maxaa Ka Jira In Jinku dadka Uu Galo ?
Sheekha Al-As-har, Dr Sheekh Axmed Al-Dayib, ayaa sheegay in aan jinku lahayn โhaba yaraateeโ awood uu ku galo qofka muuminka ah, hase yeeshee uu dadka waswaasiyo oo keliya isla markaana uu ka โlib helo qofka diciifka ah oo keliyaโ.
Dr Al-Dayib oo ka hadlayey barnaamij uu kaga hadlo arimaha diinta oo laga sii daayo mid ka mid ah Telefshinanada Masar ayaa waxa uu yidhi: hadalka ah jin baa dadka galaa waa hadal โkhiyaali ahโ oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanu intaa ku daray in kartida jinku leeyahay tahay โwaswaasin iyo majare habaanin keli ahโ.
Waxaanu Sheekha Al-As-har ku tirtirsiyey dadka muuminiinta ah in ay โadkaartaโ ku faro adaygaan si ay iskaga ilaaliyaan โwaswaasintaโ jinka.
โQof kasta oo ku dooda in uu jin ka saaro jidhka dadku waa beenaale calooshiisa u shaqayste ah oo dadka lug goynayaโ ayuu yidhi Dr Ahmed Al-Dayib, Sheekha Al-As-har ku.
@ BBC Somali