Amiirka Kuwait Oo Xaalad Caafimaad Loogu Qaaday Dalka Maraykanka

Emir Sheikh Sabah al-Ahmad al-Sabah, Amiirka Wadanka Kuwait ayaa   maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Rochester ee Gobolka Minnesota.

 

Sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Kuwait (KUNA), Amiirka ayaa dalkaasi u tagay arrimo caafimaad.

91 jirkan oo dalkaasi xukumaayay tan iyo 2006-dii ayaa maalintii Axada lagu sameeyay qaliin guuleystay.

Amiirka ayaa la fillayaa in xaaladiisa caafimaad lagula tacaalo Mayo Clinic, oo ka mid ah goobaha caafimaadka ee ugu wanaagsan dalka Mareykanka, kuna yaala Magaalada Rochester.

 

Ninka loo magacaabay dhaxalsugaha dalkaasi, Sheikh Nawaf al-Ahmed al-Sabah ayaa Sabtidii si ku-meel-gaar ahi ula wareegay talada dalka, si uu u guto waajibaadka dastuuriga.

Sanadkii hore ayay ahayd, markii Emir Sheikh Sabah al-Ahmad al-Sabah la dhigay isbitaal ku yaala dalkaasi Mareykanka, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay dalkaasi. Amiirka ayaa 3 bilood ka dib ‘Bishii October’ dib ugu laabtay Khaliijka.

Emir Sheikh Sabah al-Ahmad al-Sabah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker