Israa’iil oo beenisay inay basaaseysay Aqalka Cad ee Mareykanka

Ra’isal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si cad u dafiray warka ku saabsan inuu dalkiisa basaasayay Mareykanka.

Saddex saraakiil oo sarsare ayaa sheegay inay u badan tahay in Israa’iil ay ka dambeeysay 3 aaladood oo ah kuwa wax basaaso oo laga helay Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo.

Laakiinse warbxin laga soo saaray xaafiska Netanyahu ayaa lagu sheegay in hadalkaasi ka soo yeeray saraakisha uu yahay mid aan xaqiiqda ku saleysnayn.

Madaxweyne Donald Trump oo ay Khamiistii shalay ahayd weriyeyaasha weediyeen warkaasi ku aaddan basaasnimada lagu eedeeyay Israa’iil ayuu Trump sheegay in uusan aamisnasanayn in Israa’iil ay basaaseysay Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker