65 qof oo isku dishay waddanka Urdun

Booliska dalka Uerrdun ayaa sheegay in 65 kiis oo dhimasho dad isdilay ah la diiwaan geliyay lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan, kuwaasoo ka ah 45 rag ah iyo 20 dumar ah. Tirada ayaa la sheegay in intaas ay kasii badan karto.

Dhanka isku dayga is dilka, marka loo eego tirakoobka Waaxda Xeer Ilaalinta Guud ee magaalada Camaan, siddeedii bilood ee ugu horeysay sanadkan, 117 isku day isdil ah ayaa laga diiwaan geliyay caasimadda.

Warbaahinta maxaliga ah ee Urdun ayaa tebisay in agaasimaha daawada ee Cisbitaalada Al-Bashiir, Dr. Raed Al-Momani, uu sheegay in is dilida neef isku dhejinta ay tahay habka ugu badan ee ay dadku isticmaalaan.

Hababka kale waxa ay isugu jireen in meel sare la’iska soo tuuro, daawooyin iyo sunta cayayaanka la cuno, ama gaaska sunta ah oo la nuugo.

Sababaha isdilka waxaa badanaa loo aaneeyaa dhibaatooyinka nafsiyeed ee bulshada ama dhaqaalaha.

Saboolnimada, shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka qoyska ayaa ka sii dari kara dhibaatooyinka nafsiga ah.

Laakiin tirooyinka ilaa hadda la diiwaan galiyay, in kasta oo ay sii kordhayaan, way ka yar yihiin sannadkii uu sida xowliga ah u faafayay cudurka Covid. 2020 ay gaadheen dadka isdilay ayaa ahaa 169, waxayna taasi ahayd tiradii ugu sarreysay muddo 10 sano ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker