Xogta Xaqiiqada Dekedda Berbera iyo Xeeladaha Cadowga Somaliland ku Mashquulsan yahay!!!.Qalinkii Faysal Cali Kayse

Dhismaha cusub ee Dekedda Berbera, Waa talaabo cid kastoo jecel qaranimada Iyo hana-qaadka Jamhuuriyada Somaliland, ay ku Faraxdo, inuu guuleyso oo soo dhamaadana mashruuca dhismaha iyo balaadhinta Dekedda cusub Berbera, waxanu ka farxineyaa umadeena Iyo saaxibadood.
Sidoo kale waxa horumarkaa iyo guushaa weyn ee qarankeenu higsanaayo, ka naxaysaa cid kastoo cadow ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.
Haddaba anigu lama yaabo Kuwa cadowga ku ah Jiritaanka Somaliland ee dacaayadaha meelaha la meereysta, hase-yeeshee waxa in dhoweydbaa inaggu soo badanaayey shaqsiyaad horimar diid ah, oo dhalasho ahaanna wadanka u dhashay, kuwasoo iskugu jira kuwo marinku ka khaldan yahay oo horumarka dalka u caaridaya, doonista mansab xilleed iyo weliba dano mashaariceed.
Cadowga horumar diidka Somaliland waxay todobaadyadii u dambeeyey ku mashquulsanaayeen dacaayado raqiis ah, kuwasoo ku aadanaa ceebeynta iyo xajiimeynta mashruuca dhismaha Dekedda Berbera oo la bilaabay.
Sidaas daraadeed waxa umadda Somaliland ku waajib ah in meel looga soo wada-jeesto horumarka dalkeena inaggoo wixii Khaldana hoos iskugu sheehayaa, balse aan kaga farxiney cadowga Somaliland.
Mashruuca dhismaha Dekedda Berbera waxa uu Kamid yahay guulaha waaweyn ee aan filaayo inuu inoo furi doono mustaqbalka dhow albaabka aqoonsiga Somaliland, sidoo kale waa dhaxal wanaagsan oo Ubadkeenu kula tartami doonaan,  kuwa kalee wax qabsaday.
Teeda kale, Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxaan u arkaa muwaadin dhab ah, oo qabtay wax muuqda, isla markaana gaadhsiiyey marsada Berbera meel aanay gaadhin abid, hadana waxa an filayaa inuu ku hawlan yahay mareeye Siciid dhaxal ubadkeenu intifaacsadaan mustaqbalka dhow, wanan hubaa inuu ku guuleysanaayo. Waxa’se inagga shacab ahaan inaggu waajib ah inaynu ugu ducayno madaxda ina hogaamisa inuu ilahay ku guuleeyo horseedkooda waxqabad iyo himilada la doonaayo in dalka laga hirgeliyo.
Dhowaan waxaa aan baraha bulshada ka daawaday qaar Kamid ah shaqaalaha Dekedda Berbera, kuwasoo ka marag kacaya waxqabadka Dekedda Berbera ka hirgalay mudadii uu joogay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan. La soco qaybaha dambe.
Qalinkii Faysal Cali Kayse
Hargeysa/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker