Madaxweyne Donald Trump ma wuxuu ka maseyray gabadhan yar?

Gabar yar oo lagu magacaabo Greta Thunberg, una ololeysa wax ka qabashada isbadelka cimilada dunida ayaa badeshay xogteeda qaaska ee ugu qoran boggeeda Twitter, si ay ugu maadeysato Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Gabadhan 16 sano jirka ah oo ku guuleysatay shakhsiga ugu saameynta badan caalamka ee joornaalka Times magazine ee sanadka 2019-ka ayaa weerar dhanka baraha bulshada kala kulantay Madaxweyna Mareykanka, Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twiter-ka kusoo qortay in Greta “ay qabto dhibaato la xiriirta xakameynta caradeeda”, loona baahan yahay in ay aflaanta madadaalada la daawato saaxiibadeeda.

Hasayeeshee Greta ayaa hadalkaas ka soo yeeray Trump ku qortay halka lagu qoro xogta qaaska ee ay dadka ku qortaan Twitter-ka.

16 sano jirkan u dhalatay dalka Sweden ayaa sanadkan waxaa aqoonsaday joornaalka Time magazine, kaas oo sanad walba xusa shakhsiyaadka ugu saameynta badan caalamka, maadaama Greta ay sanadkan u ololeysay wax ka qabashada xaaladda sii xumaaneysa ee cimilada adduunka.

Wiil uu dhalay madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal u muuqday in uu kaga xun yahay qaabka loo maray soo xulista shakhsiga ugu saameynta badan sanadkan ee Times Magazines, waxaana uu su’aal geliyay go’aanka joornaalka uu ku aqoonsaday Greta.

“Times waxaa uu ka tegay dadka ku dibadbaxay Hongkong ee u dagaalamayay xorriyad iyo noolal, waxaana uu abaalmariyay ilma yar oo loo adeegsananyo suuq geyn”, ayuu ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Trump Junior ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka dadka ku xiran kula wadaagay sawirka Greta ee lagu xardhay joornaalka oo kurka laga jaray, kadibna sawirka madaxweyne Trump lagu dhajiyay, taas oo laga dheehan karo sida uu u doonayay in aabihii uu ku guuleystay shakhsiga ugu saameynta badan dunida.

Sidoo kale qaar kamid ah taageerayaasha Trump ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirka Greta oo la dul saaray madaxa Donald Trump.

Wuxuu intaa raaciyay in aabihii uu yahay shakhsiga ugu samaeynta badan, maadaam uu ka soo baxay ballamihii uu qaaday xilligii uu ku jiray ololaha doorashada oo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha Mareykanka, shaqo abuuris, canshuur dhimis iyo waxyaaba kale.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Greta badesho qoraalka ugu qoran barteeda Twiter-ka, oo waxaa ay badeshay dhowr jeer oo ay dhaleceyn kala kulantay hogaamiyeyaal badan oo caalamka ah.

Talaadadii lasoo dhaafay, Greta Thunberg ayaa qoraalka xogta shakhsiyadeed ee Twitterkeeda ku badeshay hadal uu ku dhaleeceeyay Madaxweynaha dalka Brazil, Jair Bolsonaro.

Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadkan, waxay Greta badeshay xogta shakhsiyadeed ee Twiter-keeda, kadib markii Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu ku tilmaamay in ay tahay “qof naxariis leh, balse si khaldan wax loogu sheegay.

Greta oo sanadihii caan ku noqotay u ololeynta wax ka qabashada isbadelka cimilada ayaa markii ba hadalkaas ku badeshay xogta ugu qoran Twiterkeeda, waxaana muuqata in hadal walba oo lagu dhaliilo ay ku maadeysato.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker