Hey’adda ICG Oo Warbixin Layaab Leh Ka Qortay Doorashadii Lafta Gareen Iyo Xadhiggii Roobow.

Baydhabo-(OWN)-Hay’adda Ka-hortagga Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa warbixin dheer ka qortay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Baydhabo iyadoo warbixintana cinwaan ugaga dhigtey “K/Galbeed: Madaxweyne la caleemo-saaray iyo Xiisad Holacday”.

Warbixintan ayaa qoraalkeeda lagu bilaabay in 19kii December ay xildhibaano daalan ee Maamulka KoofurGalbeed u doorteen Cabdicasis Maxamed Laftagareen madaxweyne codeyn khilaaf badan uu hareeyay taasoo sal u noqon karta amni darro cusub.

ICG ayaa aaminsan in uusan Laftagareen uusan doorashadan ku guuleysan lahayn haddii uusan ka heli lahayn kaalmo dowlada federalka,kadib markii ay ugaga faa’ideysay inay xabsiga dhigto musharaxii la tartami lahaa Muqtaar Roobow oo hore ugaga mid ahaa madaxda Al-Shabaab isla maraana ciidamo Itoobiyaan ah dhigtey deegaanada ay is lahayd dowladu inuu kacdoon ka bilaaban karo.

“Halista ay farogelinta dowlada federalka ku sameysay doorashada Koofurgalbed waa wajiyo badan tahay iyadoo xirtey Roobow,Laftagareena ka dhigtey Madaxweyne taasoo ah mid dhinac ah marka la fiiriyo awood qeybsiga inkastoo labada ninba ay ka soo wadajeedaan Beesha Raxanweyn, hase yeeshee Roobow ayaa ka soo jeeda beel weyn oo saameyn weyn leh.”ayaa lagu yiri warbixintan.

Sidoo kale warbixinta ayaa taabatay dowlada Itoobiya waxaana lagu sheegay in Dowlada Federalka ay  abuurtay dareen naceyb ah oo loo qabo dowlada Itoobiya maadaama ay ku gacan siisay dowlada.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in xariga Muqtaar Roobow uu sababi karo in hogaamiyaasha Alshabaab aysan ku soo dhiiran inay dagaalka joojiyaan maadaama uu xabsi u dambeynayo.

“Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay ayaa waxa uu ka soo jeedaa gobolka Bakool isagoo ka dhashay beesha Leesaan waxa uu ka mid yahay Islaamiyiinta caanka ah  ee  Sharciga Islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana Khabiir ka soo qeyb galay Dagaalki Afganistan ee looga soo horjeeday Ciidankii Midowgii Soofiyeeti, wuxuuna markii dambe waqti kooban maamulayey Hay’ad Samafal Islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixintan ayaa loogaga hadlay halgankii uu soo maray Muqtaar Roobow iyadoo lagu xusay in uu diiday amaro uu siiyay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Godane ee ahaa markii la qabsanayay magaalada Baydhabo inuu laayo dhamaan siyaasiyiinta balse Muqtaar Roobow wuu diiday oo waxa uu waddo ay ku baxsadaan siiyay siyaasiyiinta ay isku beesha ka soo jeedeen.

“Waa ay cadeyd in Dowlada Federalka aysan marnaba qorshaheedu ahayn in Roobow uu door ku yeesho siyaasada Soomaaliya,waxay ku dhiirigelisay inuu tartanka doorashada ka qeybgalo dhamaadkii sanadkii hore balse waxay dooneysay inay ku baabi’iso mustaqbalka Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Sharif Hassan Sheekh Aadan.”ayaa warbixinta ay daabacday hay’ada ICG ka mid ahayd.

Hay’ada ICG ayaa qoraalkeedii waxa ay ku  sheegtay in Shariif Xasan uu isku casilay markii uu dareemay culeyska badan,waxaana la rumeysnaa in uu Roobow ku guuleysanayo doorashada, balse markii uu tegey Shariif Xasan ayay dowlada Federalka jeebka dambe kala soo baxday musharax kale oo ciyaartay shax horleh.

ICG ayaa aaminsan in fursad ay ahayd in Muqtaar Roobow uu noqdo Madaxweyne taasoo gacan ka geysan kartay in dagaalamayaasha ku jira Alshabaab uu ka dhaadhiciyo inay hubka dhigaan oo ay ku soo biiraan dowlada, balse hadda ay furantay albaab kale oo ah in dadka taageersan Roobow inay dib duurka u galaan oo ay halgankoodii dib u bilaabaan.

Hay’ada ICG ayaa warbixinteeda ku soo gunaanuuday in dalka Soomaaliya uu ka dhex bilaaban doono tartan Islaamiyiinta iyo Cilmaaniyiinta u dhexeeya iyadoo xustay in dowlada federalka ay qeyb ka yihiin ururo diimeed sida  Ala Sheikh, Dam al-Jaddid iyo Al-I’tisam.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker