Shir ka furmay Garowe oo ay ka qeeybgaleen madaxweynaashii hore ee Soomaaliya

Magaalada Garawe ee Puntland waxaa maantay ka furmay shir looga hadlayo marxlaadda uu dalku marayo, sida lagu daabacay bogga Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirka waxaa ka qeeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, madax kale oo ka socotay Puntland, xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Shirka ayaa la filayaa in lagasoo saaro war murtiyeed laba qoddob ah oo kala ah Qoddob Dastuurka ah iyo qoddob ku baaqista Shirweyne Garoowe ah oo ay ka qayb galaan daneeyayaasha siyaasadda, Mucaaradka iyo qaybaha Bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker