Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta U Ambabaxay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan   waddanka Jabuuti, halkaasi oo uu kaga qayb-geli doono shir Madaxeedka IGAD.

Shir Madaxeedka IGAD, waxa looga hadlaya xaaladda Gobolka Tigray, waxaana inta badan lagu faaqidi doona shirka arrimaha ka taagan Itoobiya, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk uu booqasho ku tegay Addis Ababa, halkaasi oo uu Aby Ahmed kaga dhaadhiciyay in Shir deg deg ah la qabto, laguna xaliyo Xaaladda Itoobiya.

Sidoo kale, shirka waxaa looga hadli doona xiisadda ka soo dhex cusboonaatay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay ashtako u gudbisay IGAD, taasi oo ay Dacwo kaga ahayd Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker