Ciidammada Booliska Oo Albaabada U Laabay, Lana Wareegay Hudheel Ku Yaalla Magaalada Hargeysa.

Ciidammada booliska Somaliland ayaa albaabada u laabay lana wareegay hutelka Almis oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

 

Huteelkan la xidhay ayaa waxa uu ku yaalla xaruntii Khayriyada ee magaalada Hargeysa waxaanu hore ugu wareejisay dawladda hoose ee Hargeysa.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale xabsiga loo taxaabay mulkiilihii hudheelka oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xuseen Ibraahim.

 

Warar dheeraad ah oo helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ayaa waraaqo digniin ah u keentay mulkiilaha Hudheel taasi lagu amrayo in uu ka baxo hudheelka oo uu baneeyo.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa Xaaji Xuseen Ibraahim ku wareejisay guriga khayriyada wakhtigii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker