Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sanaag oo ka waramay hawlgalo ay fuliyeen Ciidanka Booliska ee gobolka.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sanaag ayaa warbaahinta qaranka uga waramay hawlgalo ay fuliyeen Ciidanka Booliska ee gobolku isagoo shacabka fariin u diray.

Gaashaanle dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sanaag ayaa shacabka gobolka Sanaag ku dhaqan ugu baaqay in Nabad gelyada laga wada shaqeeyo cidkastaaba doorka ay ku leedahay.

Taliyaha ayaa sheegay hawlgallo Ciidanka Booliska ee gobolka Sanaag ay fuliyeen inay kusoo qabteen Dhalinyaro bannaanka uga baxay magaalooyinka kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho isla markaana ku kacayay falal anshax xumo ah oo Muusig ku tumanaysa kuwaas oo aanu sharcigu oggolayn, sidoo kale waxa uu digiin u diray dadka ka ganacsada Mukhaadaraadka isagoo usoo jeediyay inay arrimahaasi ka waantoobaan sidoo kale Shirkadaha Jaadka gaadiidkoodu waxa uu faray inay dhimaan xawaaraha sare ee ay ku socdaan gudaha magaalooyinka. Waxa uu sheegay Wada lagu qabto isagoo ku socda xawaare in sharciga la horgayn doono.

Gaashaanle dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sanaag ayaa sidoo kale ugu baaqay masuuliyiinta gaadiidka Sumad la’aanta ah wadata ee aan cashuurnayn inay sharciga soo maraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker