Puntland Oo Diiday Meel Marinta Sharciga Batroolka Soomaaliya

Maamulka Puntland, ayaa si rasmiya u qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaanna qodobkiisa 44-aad oo qeexaya in qeyb-siga Khayraadka Dabiicig ah uu noqdo mid ku dhisan Wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

 

Sidoo kale, qoraalka waxa lagu caddeeyay, in Sahrcigaasi uu ka hor-imaanayo qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland oo dhigaya in Khayraadka Dabiiciga ah ee ku duugan dhulka Puntland, ay ilaalintiisa iyo ka faa’ideysigiisa  mas’uul ka tahay maamulka  Puntland.

 

Puntland waxay sheegtay in aysan  qeyb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Sharcigaasi, ilaa inta ay wada-hadal isaga imaanayaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-xaajoodo sharciga.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker