Shirkadda Taleefannada Itoobiya Oo Sameysay Qiima Dhimis Balaadhan La Xidhiidha Coronavirus

Shirkadda keli ah ee adeegga isgaarsiinta ka bixisa dalka Itoobiya ‘Ethio Telecom’ ayaa maanta ku dhawaaqday adeegyada ay bixiso iney dib u habeyn iyo qiima dhimis ballaadhan ku sameysay.

Maareeyaha guud ee shirkadda ‘Ethio Telecom’ Firehiwot Tamiru waxay sheegtay tallaabbada ay shirkaddu qaadday iney uga gol leedahay si ay qayb uga noqoto dagaalka lagula jiro Covid-19.

Waxayna shirkaddu sheegtay adeeg bixinta cusub iney ugu magac dartay “Guriga Joog fadhigaagana ku hel adeeg hufan”.

Shirkaddu waxaa kale oo ay sheegtay iney qiima dhimis aad u badan ku sameysay wicitaannada dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, adeegga interneetka iyo farriimaha qoraalka ee la iisu diro si ay shacabka dalkaasi ay u helaan xogta la xidhiidha Covid-19 ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker