Booliska Puntland oo sheegay in ay qabteen doon hub siday

Booliska Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay doon hub siday iyo rag la socday, sida lagu soo daabacay bogga ay boolisku ku leeyihiin Facebook.

Boolisku faahfaahin kama bixin waqtiga ay soo qabteen ragaan iyo halka ay ku qabteen, balse waxaa lagu sheegay qoraalka in ciidamada booliska Puntland ee Raas casayr ay hawlgalka fuliyeen.

Sidoo kale cidda iska leeh hubkaan iyo halka loo waday ayaysan boolisku wax faahfaahin ka bixin.

Taliyaha ciidankaas oo lagu magacaabo Fu’aad ayaa lagu sheegay qoraalka in uu ka digay in hub sharci darro lala soo galo gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker