Amb. Safiina Oo Naqdiyey Khibrad-yaraanta iyo Baratakool-xumada Wasiirka Khaarajiga Xukumada Muuse Biixi

Curfiga Protocolka Tahniyadaha Duwaliga ah

 

Runtii waxa inagu ceeb qaran ah sida wasiirkeena Arimaha dibadu uga qayb qaateen tahniyada sanad guurada 47 ee midawga Emaaraadka.

Dadaal waa muhiim laakiin waxa mustaxiil ah ama meel ka dhac wayn ah inuu wasiir tahniyeeyo Maalin Qaran oo dawladeed waliba dawlad qaab boqortooyo ah isagoon madaxwaynaheenu tahniyeeyn.

Caalamka oo dhan Tahniyadaha maalmaha Qaranka waxa dira BOQOR, MADAXWAYNE, ama AMIIR, sidoo kale waxa si toos ah u gudooma qofka u sareeya dalkaa BOQOR, MADAXWAYNE, ama AMIIR, Sharafta iyo karaamada dalkeenu waxay ahayd in Madaxwayne Muuse Biixi Cadi diro tahniyadaa, Waxa kale oo jira in dawlad waliba leedahay qaab u gaara oo loo tahniyeeyo, iyo siiqo gooni ah oo loo qoro tahniyada dalkaa.

 

Qaabka Emaraada loo tahniyeeyo maalintooda qaran waa sidan :- In Madaxwaynuhu ama masuulka dalkaasi tahniyeeyo Madaxwaynaha imaaraadka sheekh Khaliifa, In Madaxwaynuhu tahniyeeyo Madaxwayne ku xigeenka ahna Raysal wasaaraha ahna Xaakimka Dubai, In madaxwaynuhu Tahniyeeyo Mahamed Ala Nahyaan oo ah dhaxal sugaha Emaraadka.

Mid walba waxaa loo qorayaa war qad u gooni ah midna mid kale warqadiisa kakale lagu xusimaayo, dhamaan waraaqaha E-mail lagu dirimaayo ee safiirka ama wakhiilka ayaa si toos ah u gaynaya Qasirga isagoo xidhan dharka hidaha iyo dhaqanka soamliland ama dalkuu matalayo.

Emaraad waxay qaabilaan safiirada ama wakiilada sida waraaqaha 8:00 am ilaa 11:00am. Dawlad waliba wakhti u gooni ah ayaa loo asteeyaa lagana gudoomaa.intaa kadib wasiirka khaarajiga ama masuul kale wuxuu tahniyayn karaa dhigiisa haday macrifo shaqo ka dhaxayso tahniyad telefoon ama mid war qadeed oo aan la shaacin ama bartiisa Twitter ka ayuu ku baahin karaa masuulku.

Dadaale ayaa wax barta ee Wasiir Fartoon wuu ku mahad sanyahay dadaalka.

Alaa mahd leh

Amb Ahmed Safiina

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker