Dibadbaxyada lagu dalbanayo sii daynta Sheegow oo fiday

Bannaanbaxyo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dalbanayey sii daynta sarkaal ka tirsanaa ciidanka oo laamaha amnigu qabteen ayaa ku fiday meel ka baxasan Muqdisho.

Dibadbax ayaa maanta laga soo sheegay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee maamul goboleedka Hirshabelle.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, taageerayaasha Sheegow Axmed Cali ayaa ku maray waddooyinka socod ay ku dalbanayeen sii dayntiisa iyo inuu caddaalad helo.

Bannaanbaxa ka dhacay Beledweyne maanta ayey ku dhinteen laba qof, sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacadda VOA.

Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa ka mid ah dhallinyaro bannaanbaxaysay oo ay haleeshay rasaas ay rideen rag hubaysan.

Dilka qofka labaad ayaa la sheegay inuu kan hore daba-socday, uuna ka dhacay xaafadda Buundoweyn.

Sidoo kale waxaa maanta mudaaharaad kale oo lagu dalbanayo sii deynta Sheegow uu ka dhacay magaalada Jowhar, halkaasi oo ciidamada booliska la sheegay inay ka hortageen inuu magaalada ku baaho.

Muqdisho ayey shalay ka dhaceen bannaanbaxyo rabshado wata oo sidaasi oo kale lagu dalbanayey sii daynta Sheegow.

Duqa magaalada MuqdishoYuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ku baaqay in bannaanbaxyadu ay noqdaan kuwo u dhaca si amni ah.

Sarkaalka la xiray ayaa booliisku qabteen Sabtidii kadib iska hor-imaad dhexmaray maleeshiyaadkiisa iyo ciidamada amniga oo ay saddex qof ku dhinteen.

Booliiska ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu halis geliyey amniga, hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa sheegay inuu soo halgamay, loolana dhaqmay si aan caddaalad ahayn, waxayna dalbanayaan in la sii daayo.

Booliiska ayaa dhinaca kale sheegay inuu haysto darajada Dhamme, halka taageerayaashiisu sheegeen inuu yahay Jeneraal ka tirsan ciidanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker