Maleeshiyada Al-Shabaab Oo la Wareegay Deegaan Ciidamadu Baneeyeen Ee Balcad iyo Jowhar U Dhaxeeya.

Maleeshiyada Al-Shabaab Oo la Wareegay Deegaan Ciidamadu Baneeyeen Ee Balcad iyo Jowhar U Dhaxeeya.

 

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen deegaan hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

Deegaankan oo lagu magacaabo Ceelka Geelow, kuna yaalla inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dagaalyahannada Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay gudaha u galeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa isku fidiyey guud ahaan deegaankaasi, iyaga oo ka bilaabay howlgallo ballaaran.

Amniga waddada isku xirta Muqdisho Jowhar ayaa halis sii galeysa, iyadoona ay Al-Shabaab isku dayeyso inay gabi ahaan joojiso isku socodka waddadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa waddadan ka fulisa weeraro gaadma ah, iyada oo ku dishay mas’uul sar sare oo ka tirsanaa dowlad goboleedka HirShabelle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker