Xukuumadda Somaliland oo sheegtay Qaxoonti Carab Ah Oo Diiday in la Diwaangeliyo iyo Sababta?

Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka, mudane Cabdikariim Axmed Muxumed Xinif, ayaa shaaca ka qaaday in ay diideen in la diwaangeliyo dadka Qaxoontiga Suuriyaanka ah ee dalka ku sugani.

Waxa uu sheegay in arrintooda la weydiiyo, isla markaana lagala xisaabtamo xarunta laanta socdaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Waxaa uu sidan ka sheegay su’aal u weydiiyay wariye Khaalid Yuusuf Xasan, oo ka mida warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawlgasha magaalada Hargeysa.

Guddoomiye waxa jira dad ka hor dawarsada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka hortiisa iyo wasaaraddaha inta badan mudan maamuska arrintaas oo ay hay’addu u xilsaaran tahay dadkaasi sidii shaqo abuur ugu samayn lahayd sow lama odhan karo arrintaas waad ku fashilanteen?

Waxaau yidhi.“Qofkasta oo Ajaanib ah oo waddanka soo gala macnihiisu maaha in uu Qaxoonti yahay, marka hore waa soo galeyti, sharci haku soo galo, ama sharci darro haku soo galo.

Dadkani waa run oo way jiraan inta aad sheegaysana waa ay joogaan, waana Suuriyaan bulshadaasi, waliba dabeecadiina dad badan ayay qaadsiiyeen imika, dadkaasi waa dad socota, Sudan ayay ka soo lugeeyeen Itoobiya ayay soo maraan, halkan ayay soo galaan, waa dad diiday in aanu diwaangelino, dad reer Somaliland ah oo laga yaabo in ay halkan joogan ayaa xatta guryo u kireeyay, oo raashin u dhigay, waydiideen oo waa ay ka baxeen, Hudheelo ayay seexdaan, marka dadkaasi dad annaga ka hay’ad ahaan na soo hoos gala maaha mar haddii aanay Qaxoontinimo noogu diwaangashanayn, oo ay diideen in loo diwaangeliyo, isla markaana ay sidan ugu badiso, walibana la leeyahay waa dhaqan ay leeyihiin dalkooda marka ay joogaan, marka Qaxoonti nooma aha anaga.

Arrintaasina waxa la waydiinaya ciidanka laanta socdaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha, dadka waddanka soo gala ee aan Qaxoontinimada isku dhiibin,”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker