Ciidamada Israa’iil oo toogtay labo sano jir Falastiini ah

Wiil yar oo labo sano jir ah oo Falastiini ah ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray kadib markii afar maalmood ka hor ay ciidamada Israa’iil madaxa kaga toogteen meel u dhow Ramallah, oo ku taal Daanta Galbeed ee la heysto.

Muhammad Tamimi iyo aabihiis ayaa la toogtay xilli ay ka soo baxayeen gurigooda oo ku yaala Nabi Saalax.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay rasaas ku fureen xilli ay ku raad joogeen labo nin oo hubeysan.

Ilmaha yar ayaa waxaa qaaday diyaarad helikobter ah oo ay leeyihiin ciidamada Israel, waxaana la geeyey isbitaal ku yaala Israel, balse kama soo kabsan dhaawicii soo gaaray.

Bayaan ay soo saareen militariga Israa’iil ayey ku sheegeen in ay ka xun yihiin waxyeelada ay u geysteen waxa ay ugu yeereen kuwa aan dagaalka qaybta ka ahayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker