Wasaaradda Diinta Somaliland iyo Culimada oo Baaq u diray Ganacsatada Dalka

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland  iyo qaar kamida Culimada waaweyn ee Dalka ayaa maanta ka hadlay Doolarka qiimihiisu dhacay iyo kor u kaca Shilinka Somaliland iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada.

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh C/raxmaan Yaasiin, Sheekh C/raxmaan Axmed oo kamida Culimo awdiinka Somaliland waxaanay sheegeen sida aanay shareecadda Islaamku u ogolayn in halka qiimaha baddeecadaha wax  lagu kordhiyo.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa sheegay in ay isugu yeedheen imaamyada masaajidada qaar ka mid ah oo ay kala hadleen isbeddelka lacagaha iyo sidii logu salayn lahaa sarrifka lacagta shilinka Somaliland  maciishadda quutal daruuriga ah iyo alaabooyinka kale ee ay Iibiyaan.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland

sheekh Khaliil C/laahi Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker