Qaraxyo ruxay garoon diyaaradeed oo militariga Suuriya ku leeyihiin Magaalada Dimishiq.

Dowladda Suuriya ayaa beenisay warar sheegaya in qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay garoonka diyaaradaha militariga ay ku leeyihiin magaalada Dhimishiq ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Warbaahinta maxalliga ee Sanca oo soo xigatay iloo wareedyo militariga ka tirsan ayaa sheegtay in qaraxyada ay ka dhasheen hub lagu qubay garoonka diyaaradaha militariga Mezzeh ee ku yaalla koonfur bari magaalada caasimmada ah ee Dhimishiq.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxyada ay ka dhasheen cilad ku timid koronto.

Militariga Suuriya ayaa mar dambe beeniyay in Israa’iil ay ka dambeysay qaraxyada, sida ay sheegtay warbaahinta Sanca.

Isla bishaasi Israa’iil waxay soo ridday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Suuriya taaso ay sheegtay inay ku xaadgudubtay hawadeeda.

Israa’iil ayaa duqaymo cirka ah ka gaysatay dalka Suuriya, sannadkii lasoo dhaafay ayaa lagu eedeeyay inay weerar ku qaaday garoonka militariga ee Mezzah.

Warbaahinta dowladda waxay sheegtay in qaraxyada ay dhaliyeen cilad ku timid koronto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker