Ciidamada Ethiopia oo La Xaqiijiyay inay Soo Rideen Diyaaradii ku Burburtay Dardaale Somalia

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa Diyaaraddii gelinkii dambe ee Isniintii lagu soo riday Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.ee Dalka Somalia.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Airways waxaa soo riday Ciidanka Militariga Itoobiya, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Diyaaradan oo agab ka qaaday Magaalada Baydhabo, kuna sii jeeday Degmada Bardaale waxaa soo baxaya warar sheegaya in si aan ku talagal ahayn, ay u soo rideen Ciidanka Itoobiya.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in diyaaraddu ay ku burburtay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Bardaale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradda ay la socdeen lix qof, oo saddex ka mida ay yihiin shaqaalihii diyaaradda.

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Koonfur Galbeed, Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay) ayaa xaqiijiyay dhammaanba dadkii la socday diyaaradaasi in ay geeriyoodeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker