Maxaa Ka Jira In Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Uganda Uu Taageero U Muujiyay Jabhada TPLF ?

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani ayaa taageero balaaran u muujiyay Jabhada TPLF ee dagaalka xoogan kula jira ciidamada federaalka Itoobiya iskuna dayeesa in xukunka ka tuuraan Abiy Axmed.

Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda ahna taliyaha ciidamada lugta ee Uganda ayaa bogaadiyay dagaalka jabhada TPLF kula jiraan ciidamada federaalka Itoobiya.

Waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada TPLF in ay ciqaabaan kuwii kufsaday walaalahooda tigrey , waxa uu sidoo kale sheegay in uu taageersan yahay qadiyada Tigrey isagoona kula taliyay TPLF in ay maqlaan hadalka General Yoweri Museveni!

”Waxaan u soo jeedinayaa walaalahayga waaweyn ee geesiyaasha ah ee ku jira ciidamada difaaca Tigrayga inay maqlaan hadalka General Yoweri Museveni! Sidaada oo kale ayaan u cadhooday, qadiyadaadana waan taageersanahay. Waa in la ciqaabaa kuwii walaalaheen Tigreega kufsaday ee dilay walaalaheen!” ayuu yidhi Wiilka Musevani.

Hadalkan kasoo yeeray Wiilka Madaxweyne Musevani ayaa laga cabsi qabaa in xiisad ka dhax abuuro dowladaha Uganda iyo Itoobiya, waxaana hadalkan kusoo aadayaa xili Itoobiya xaalad deg deg ku jirto lagana cabsi qabo in caasimada dagaalka gaadho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker