Shirkadda Coca-Cola foundation ee SBI Oo Shan Milyan Oo Doolar Wax Kaga Qabanaysa Biyaha Hargaysa

Munaasabad maanta lagu qabtay xaafadda Masallaha ee Koonfurta magaalada Hargaysa ayaa waxa lagu daahfuray oo lagaga dhawaaqay qayb kamid ah mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Hargaysa, gaar ahaanna qasabadaha sidii loo gaadhsiin lahaa xaafadaha magaalada, gaar ahaanna kuwa koonfurta iyo qaybo kamid ah Waqooyi galbeed. Waxaana mashruucaas oo ay ku baxayso shan milyan oo dollar maalgaliyey sharikadda Coca-Cola foundation ee SBI.

 

Ugu horrayna waxaa munaasabadda ka hadlay oo u mahadceliyay sharikaddaas madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuuna yidhi: “Waxaan u mahadnaqaynaa sharikadda Coco cola foundation in ay nagala qayb galaan sidii biyo loogu heli lahaa caasimadda Hargaysa, sharikaddan muddo kooban ayay ka shaqaynaysay dalkeena waxaan isleeyahay inta ay maanta ina galisay wali ugama soo bixin Somaliland”.

 

Mashuucaan oo la sheegay in marka uu dhammaado uu biyo siin doono dad ka badan laba boqol oo kun oo qof oo kunool magaalada Hargaysa ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyey Axmed Cismaan Geelle maamulaha guud ee sharikadda Coco cola ee Hargaysa oo ayagu deeqdan bixiyey wuxuuna yidhi ” Waxaa imika innoo bilowday mashruucan Hargaysa waxaana ku baxday Shan Milyan oo dollar laba iyo labaatan kun oo qoys ayaa ka cabbi doona.”

 

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne fara badan oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshada ee kala duwan waxayna soo dhaweeyeen mushruucan oo ay ku tilmaameen mid faa’iido wayn u leh bulshada ku nool magaalada Hargaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker