Askari Soomaali Ah Oo 2 Askari Kenyaan Ah Ku Toogtay Xuduuda Kenya Iyo Soomaaliya

Askari katirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed Ee Ilaalada ka haya Xuduuda aan la wadaagno Kenya ayaa toogtay Labo Askari Oo Kenyaan Ah xilli ay Xadka kusugnaayeen.

Labada Askari Ee Kenyaanka ah ayaa waxa soo gaaray Dhaawac kadib markii Askariga Soomaaliyeed uu isku dayeyinuu ka reebo Gabar Soomaaliyeed ay Ciidankaasi Kenyaanka qabteen.

Waxa arintaan ay muran badan ka dhalisey dhinaca Xuduuda oo xitaa Ciidamo badan lasoo dhoobay kadib dhacdadaasi,xilli Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyaguna ay difaac galeen.

Gabadha Ciidanka Kenyaanku qabteen ayaa ka gudubtay dhnaca Soomaaliya,taas oo ka careysiisey askariga Soomaaliyeed Falkaasi Ciidanka dawlada Kenya ku dhaqaaqeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo Cali Jubba ayaa dhan kale udhigay arinta ka dhacday maanta Xuduud beenaadka.

Waxa Cali Jubba Uu sheegay in Is rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Kenya iyo Askar katirsan Xoogga Soomaaliya,markii Maleeshiyaad kasoo goostay Wasiir Janan ay isku dayeen in ciidanka Kenya celiyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker