Maxaad ka taqaan maleeshiyaadka loo yaqaan Guutada Soomaali ee Reer Ukraine

Guutada lagu magacaabo Soomaaliya, waa mid ka mid ah cutubyada militariga Jamhuuriyadda Shacabiga Donetsk ee Ukraine, kuwaas oo ka qayb qaata dagaalada ka socda gobalada Donetsk iyo Donbas ee ka dhanka ah ciidamada Ukraine.

Guutada magaceeda oo buuxa waa Guutada 1-aad ee Taangiyada ama ma naxayaasha Soomaaliya, sidoo kale waxaa horay loo oran jirtay 1st Separate Tactical Battalion Group Somalia.
Sida uu sheegay taliyihii hore ee guutadan Mikhail Tolstykh oo loo yaqaanay Givi, waxay Guutadan magacan “Soomaaliya” u qaateen waa kuwo aan cabsan sida Soomaalida oo kale.
Ciidamadan oo ah dhamaantood Muwadiniin u dhashay Ukraine, balse gacan saar Milatari la leh Ruushka ayaa aad ugu faraxsan magacan ay la baxeen ee Soomaaliya, waxayna isugu yeraan ama isu garanayaan ma naxayaal.
Guutada ayaa sanadkii 2015, Maxkamadda Sare ee Ukraine u aqoonsatay Urur argagixiso, taasi oo keentay in ciiidamada Ammaanka Ukraine ay beegsadaan xubin kasta oo ka tirsan Guutadan.
Ciidamada sirdoonka Ukraine ayaa sanadkii 2017-kii, qarax ku dilay Taliyihii hore ee guutadan Mikhail Tolstykh, wixii waqtigaas ka dambeeyay waxay bilabeen in ay qariyaan hoggaankooda.
Guutada Soomaaliya oo ah Cutub Milatari oo aad u hubeeysan ayaa taliskooda yahay gobolka Donetsk ee dalkaasi Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker