“Kooxaha Agagixisada ah ee Al-Qaacida Iyo Al-Shabaab, ayaa isku dayaya inay khalkhal galiyaan Somaliland” Xisbiga UCID Digniin Culu Soo Saaray.

Kooxda Agagixisada ah ee Al-Qaacida ee Al-Shabaab, ayaa isku dayaya inay khalkhal galiyaan Somaliland, iyaga oo khatar toos ah ku ah nabad-gelyada gudaha Somaliland, xasiloonida gobolka oo dhan iyo
marinka caalamiga ah ee badda cas ee istiraatiijiga ah.

Haddaanu nahay xisbiga UCID ee Somaliland waxa uu beesha caalamka ugu baaqayaa sidan.

1- In la kordhiyo taageerada ciidamada Somaliland ee la dagaalanka Al-Shabaab iyo khataraha kale si wax ku ool ah.

2-In la Baadho oo La ganaaxoo shakhsiyaadka muhiimka ah ee ku xidhan maalgelinta iyo abaabulka maleeshiyaadka sida qunyar socodka ah ugu soo qulqulaya magaalada Laascaanood.

3- In la aqoonsado muhiimadda doorashada madaxtinimo ee soo socota inay tahay waqti muhim ah iyo adkaynta dimuqraadiyadda iyo xasiloonida Somaliland.

4- In la siiyo taageero maaliyadeed oo degdeg ah iyo mid farsamo habsami u socodka doorashada, iyada oo la hubinayo in
hufnaan, kalsooni, iyo dhaqan nabad ah lagu qabto.

5- In la cambaareeyo faragelinta shisheeye ee arrimaha gudaha Somaliland, si firfircoonna looga hortago ololayaasha kala duwan ee looga dan leeyahay in lagu khalkhal geliyo gobolka” ayaa ka mid ah warsaxaafeedka UCID

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker