Dhul gariir culus oo ku dhuftay Mareykanka

Labo qof ayaa ku dhintay tobannaan kun oo guryo la daggan yahay ahna waxaa ku dhacday koronto la’aan ka dib markii uu dhul gariir cabirkiisu yahay 6.4 magnitude ruxay waqooyiga gobolka California ee dalka Mareykanka.

Dhul gariirka oo ku dhuftay meel 215 meyl (350km) u jirta waqooyiga San Francisco ayaa burbur xoog leh u geystay waddooyinka tareennada.

“Wax walba oo darbiyada ku dhagganaa wey soo jabeen,” ayuu yiri JB Mathers, oo ka mid ah dadka degan magaalo xeebeedka Eureka.

Maamulka gobolka ayaa xiray waddooyin badan waxayna shacabka uga digeen saameyn kale oo ka dhalan karta dhul gariirkaas.

Fiidnimadii Talaadada, oo ay saacaddu ku beegneyd 02:34 PST (10:34 GMT) ayuu dhacay dhul gariirka. Waxa uu usii kala fiday ilaa 80 dhul gariir oo yar yar, kuwaasoo cabirkoodu uu u dhaxeeyay 4.6 ilaa 2.5, sida ay sheegtay hay’adda tirajoobka cimilada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker