Madaxweyne kuxigeenkii Hore Ee Puntland Oo loo Magacaabay Safiirka Somalia Ee Dalka Itoobiya.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Itoobiya.

Eng.Cameey ayaa shalay gaadhay magaalada Addis Ababa, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay Madaxda dalka Itoobiya ku wareejiyo waraaqihiisa aqoonsiga.

Magacaabida ayaa aheyd mid uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo dowladda Federaalka ay ku abaal marisay Mr C/xakiin Camey taageeradii uu siiyay dowladda isagoo si adag uga soo horjeeday tallaabooyinkii Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas iyo dhismihii Golihii Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Safiirkii horay u joogay Addis Ababa Cali Shariif oo muddo 7 bilood hayay xilkaas ayaa loo magaacabay Safaaradda Washington ee dalka Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker