Ruto oo isku shaandheyn ku sameeyey Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Dowladda Kenya William Ruto ayaa xalay isku shaandhayn lama filaan ah ku sameeyay inta badan Golihiisa Wasiirada.

Wasiiradaraha uu isku shaandhaynta uu ku sameeyay Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kenya taasi oo uu horay uu u hayay Dr. Alfred Mutua, waxaana Wasaaradaasi uu madaxweynuhu uu u magacaabay Musalia Mudavadi. Dr. Alfred Mutua ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Dalxiiska Kenya.

Dhanka Soomaalida Kenya, Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Aden Barre Du’caale, ayaa kamid ah Wasiirada aysan saamaynin isku shaandhaynta uu xalay uu sameeyay Madaxweyne Ruto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker