Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey Sharci Muhiim ah

 

Muqdisho (OWN) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey sharcigan, kaas oo ay u soo gudbisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

 

Illaa 139 mudane oo ka tirsan golaha shacabka ayaa Haa ugu codeeyay, ma jirin cid diiday, balse waxaa ka aamusay hal xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada meel marinta Xeerka Saxaafadda Soomaliyeed.

 

Aadan Isaaq ayaa sheegay in sharcigani uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.

 

Xeerkan oo muddo kadib wax ka bedal lagu sameeyey ayey ugu dambeyn ansixiyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda warbaahinta iyo wariyeyaasha madax banaan ayaa horay dood uga keenay xeerkan, taas oo keentay in markale dib loogu laabto qodobada qaar ee ku jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker