Laba Maalqabeen oo Soomaali Ah oo isku haysta dhisme Ganacsi oo qiimihiisu yahay 2.5 Milyan Dollar

Waxaa jira muran maxakamadeed u dhaxeeya laba nin oo Soomaali ah oo ganacsi wadaag ah isla markaana isku haysta mamaulka dhisme ganacsi oo qiimahiisy ku kacayo $2.4 milyan.

Dhismahaan ganacsi oo ku yaalla xaafada islii ee magaalada Nairobi,ayaa hadda muranka ka taagan waxaa loo gudbiyay qaybta dhexdhexaadinta maxakamadda.

Milkiilayaasha suuqa Hong Kong oo ka kooban shan dabaq Yuusuf Cabdi Aadan iyo Maxamed Cabdulqaadir Aadan,ayaa midba midka kale ku eedaynayaa inuu u adeegsaday mileeshiyaad si day u ilaaliyaan danihiisa.

Lahaanshiyaha dhulka ayay labadaan nin heleen sanadkii 2003-kii. Waa 197 dukaan kuwaas oo bishii uu ka soo xaroodo dakhli kiro oo dhan $24,000.

Balse bishii May ee sanadaan 2021-ka Mr Cabdi ayaa Mr Aadan, ku dacweeyay inuu wado carqaladeyn uu doonayo inuu meesha uga saaro wada-lahaanshiyaha hantiyadeed.

Sidoo kale wuxuu dalbaday in maxkamaddu soo saarto amar joogto ah oo ka hor istaagaya Mr Aadan dhibaateynta dadka ku ganacsada xaruuntaas.

Balse Bernard Eboso ayaa shegay inuu ku baaqay in murankaan loo gudbiyo qaybta dhexdhexaadinta ee Maxakamadda.

Wuxuu sheegay in inkastoo dhinacyadu ay ku heshiiyeen saami isku mid ah eevdakhliga kirada, haddana waxaa jiray kala shaki u dhaxeeya.

Iyadoo la sugayo natiijada dhex -dhexaadinta, ayaa Garsoore Eboso wuxuu amar ku bixiyay in xaalku sidiisii sii ahaado, iyadoo oo Mr Cabdi uu sii wadi doono maamulka hantida halka xisaabaadka Mr Aadan loo celinyo hantida boqolkiiba 50 dakhliga kirada 10 -ka bil kasta.

Labada nin ayaa sidoo kale waxaa ganacsi kala dhexeeyaa Xuseen Axmed Faaax iyo and Xuseen Canshuur oo ay isla leeyihiin suuqa kale ee Bangkok oo isna ku yaalla xaafada Islii .

Arrinta Suuqa Bangkok ayaa waxaa ay la mid tahay tan suuqa Hong Kong.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker