Macalin Dugsi Qur’aan (Malcaamad) Oo Gabadh Yar Uu Macalin U Ahaa Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada  Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay fal aad looga naxay cid kasta oo maqashaaana ay la yaabaan.

 

Waxaa Dhacdadan ayaa aheyd kadib markii Macalin Dugsi Qur’aan  ama Malcaamad   uu ku dilay Gabar yar uu macalin u ahaa, iyadoo dhacdadan ayaa ka dhacay Xaafada Xamar Jadiid Degmada Warta Nabada ee Magaaladatan Muqdisho.

 

Macalinka ayaa Gabadha dhimatay la sheegay in dilkeeda uu yimid kadib markii macalinku uu ul madaxa kaga garaacay  sidaasina ay  gabadha yari ku geeriyootay.

 

Dhacdadasi murugada badan ayaa si aad ah looga hadal hayaa gudaha Xaafada Xamar Jadiid Degmada Warta Nabada Ex Wardhiigleey Muqdisho.

 

Macalimiinta Dugsi Qur’aan (Malcaamad)  qaarkood ayaa falal garaacis xad dhaaf ah mararka qaar u geysta ardayda iyada mararka qaarna ay garaacistaada ay sababto dhibaato soo gaadha ardaydaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker