Xogaha Qarsoon Ee Shirkadda Google

Hargeysa (OWN) Shirkadda baadi-goobka internetka ee Google waxay iisu diyaarinayaa sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay xilligi la aasaasay. Haddaba, weriye ka tirsan idaacadda BBC-da ayaa diyaariyey warbixin xiiso badan oo xambaarsan 10 qodob oo la xidhiidha xogaha qarsoon ee shirkadda Google.

Bal waxaad dib u jalleecdaa intii aannu soo ifbixin Google ka hor sidii noloshu ahayd? Ma xusuusataa haddii aad xog ama macluumaad aad si degdeg ah ugu baahato waxa aad sameyn jirtay iyo halka aad u doonan jirtay? Haddase, wax kasta oo aad u baahato sida erey macnihii, cinwaan, goob, tilmaan ama wax kasta oo aad u baahato waxa ugu horreeya oo maskaxdaada ku soo dhacaya, kuuguna dhow waa Google. Wargeyska Forbis oo aan xogtan ka soo xigannay ayaa sheegay in halkii ilbidhiqsi iney 40,000 qof ay Google wax ka baadhaan, maalintina 3.5 milyan oo ruux. Google hadda wax kasta ayuu noqonayaa sida meel loo adeegsado xayeysiiska, qorshooyinka shaqada lagu soo bandhigo ama xogta shaqsiyaadkaba lagu keydiyo. Haddaba, dulucda qoraalkan waxa xusid mudan in markasta oo aan xog u raadsanno Google uu isaguna qayb ka mid ah xogteenna aan siineyno. “Waxaase isweydiin leh xog intee dhan ayuu naga qaadanayaa? waa hagaag su’aashaa iyo su’aala kalaba waxaad isku daydaa 10-ka qodob ee aan kuu faa’ideyneyno inaad ka fahanato”

  1. Sidii uu ku yimmi magaca Google:

Magaca Google inuu si khalad ah uu ku yimmi. Haddii laguu sheego waa laga yaabaa inaad rumeysan weydo, balse xaqiiqdu waa sidaas. Magaca shirkadda marka la sameeynayey lala damacsanaa wuxuu ahaa ‘Googol,’ taasoo dhanka xisaabta marka laga eego loola jeeday 1 iyo boqol eber. Haddaba, ardaygii allifay ee ugu horreeyey ee magaca qorayey ayaa wuxuu magacii ‘Googol’ ahaa u qoray ‘Google,’ khubaradii hal-abuurka ku wehlisay ardaygana kama horiman magaca uu beddelay oo waa ay qaateen, sidaas ayeyna shirkadda Google magacaa ku qaadatay.

  1. Magaca Backrub:

Hal abuurayaasha Lari Page iyo Sergey Birin magaca ugu horreeyey ee ay la damacsanaayeen wuxuu ahaa ereyga Ingiriisiga ah ee ‘Backrub.’ Magacaasi oo lagu micneeyn karo wax kaa dambeyo ama xog aad meel kale ka heleyso, taasoo loola jeeday xilligaas, maadaamaa uu Google keyd badan lahayn oo ayuu bogag kale xogta aad isaga ka raadiso kaa siin jiray. Markii dambe wey ku qasbanaadeen iney magaca beddelaan.

  1. Wax aan toosneyn oo qallooc ku jiro:

Google ganacsiga iyo arrimaha kale oo keli ah lagama helo, balse waxa laga helaa ciyaaro (game) aad u badan. Tusaale ahaan bal inta aad Google tagto halka wax lagu raadiyo ku qor ereyga Ingiriisiga ah ee ‘askew’. Natiijada kuu soo baxeysa ma eegtay?

  1. Adhiga iyo xarunta shirkadda Google:

Shirkadda Google waxay inta badan sheegtaa iney ka shaqeyneyso, isla-markaana taageereyso cimilo nolosha ku habboon, gaar ahaanna sidi loo heli lahaa duni cagaar ah oo wasakhda warshadaha ka madaxbannaan. Xarunta dhexe ee shirkadda Google oo ku taallo gobolka Kaalifoorniya ee dalka Mareykanka waxaad ku arkeysaa ari gaaraya ilaa 200 boqol oo xafiiska dhex yaacaya. Qofku marka ugu horreysay ay u tahay aragtida adhiga faraha badan ee dhex yaacaya xafiiska Google wuxuuba isweydiinayaa ciddan xoolo-dhaqatada ee magaaladan adhiga ku dhaqanaya muxuu yahay? Adhigaasi xerada xarunta Google daaqaya waxay shirkaddu ku beddeshay mashiinnada cawska lagu jari jiray, adhigana waxa iskala leh shirkadda Google.

  1. Xawliga shirkaddu ku kobceyso:

Gmail, Google Map, Google Drive, Google Chrome iyo waxyaabaha la midka ah ee ay Google soo saarto waxa u dheer laga bilaabo 2010-kii waxay shirkaddu mulkiday shirkado kale oo aad u badan. Inaad taqaanno ama inaadan aqoonba wey dhici kartaa annaga ayaa diyaar kuula ah inaan kula wadaagno sida Android, Youtube iyo Adicine teknooloojiyadaha la yidhaa  oo dhan waxa iska leh Google. Ilaa iyo 70 shirkadood oo kala duwan ayay sida oo kale shirkaddu leedahay.

6.Doodle:

Doodle waa barnaamij Mareykanka ka shaqeeyo oo ay ardayda dugsiyada ku tartamaan si ay iyaguna ula yimaaddaan hal abuur la mid ah Google ama mid ka sii fiican oo dunida wax ku biiriya. Laga bilaabo marka tartankan la hirgeliyey waxaan arkeynaa iney astaanta Google ay si isdaba joog ah isu beddesho. Sida oo kale, astaanta Google waxay  isbeddeshaa xilliyada ciidaha iyo dabbaldagyada caalamiga ah jiraan.

  1. Fursad maalqabeennada soo dhaaftay:

Sannadku marka uu ahaa 1999-kii labada arday ee la kala yidhahdo Lari iyo Sergey waxay in muddo ah maaalqabeennada ay ka baryayeen iney shirkadda Google kaga iibsadaan 1 milyan oo doolar oo keli ah” Iyaga oo weliba lacagta ay Google ku baayacayeen lahaa waan ka wada hadleynaa qiimaha aan sheegnay haddaad diyaar u tihiin inaad naga iibsato. Hadda laakiin 20 sanmo kaddib shirkaddu waxay ku fadhido qiime ka badan $300 bilyan oo doolar.

  1. Hal-ku-dhegyada shirkadda:

Hal-ku-dhegga shirkaddu isticmaasho wuxuu yahay ‘bakhayl ha noqon’, inkasta oo ay jiraan qaar badan oo leh maxaa ka galay shirkaddu fara dheeraa, shirkaddu tani iyo markii la aasaasay miyaanay beddelin halku dhiggeedaasi oo weli wey ku adkeysaneysaa?

  1. Xarunta Google oo aan laga waayin Cuntada:

Mid ka mid ah mulkiilayaasha Google oo la yidhaa Sergey Birin ayaa amar uu ku bixiyey xafiiska guud ee xarunta shirkadda inaan marnaba cunto iyo astaanteedaba laga waayin. Shaqaalaha shirkadda Google oo ka shaqeeyo xafiisyo aad loo qurxiyey markasta oo ay cunto u baahdaanna si ay goobta shaqada uga fogaanin waxay ka helayaan isla xafiiska dhexdiisa, waxana u diyaarisay shirkadda.

  1. Saaxibka Google:

Shaqaalaha shirkadda Google waxa loo oggol yahay iney goobta shaqada ay u soo kaxeystaan eeyda ay iyagu leeyihiin. Eeyda ay shaqaalaha leeyihiin ee ay xafiiska la imanayaanna si ay jawiga ula qabsadaan waxa marka hore la siinayaa tababar eyda u gaar ah, tababarka markay dhammeystaan ayaa xafiiska loo oggolaanayaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker