Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha ee Maanta Chelsea vs Southampton

Chelsea ayaa maalinta Boxing Day ee sannadkan ku qaadan doonta garoonkeeda oo ay ku qaabilayso Southampton oo ka cararaysa inay dib ugu laabato heerka labaad oo hadda ay casaanka ka xigaan saddex kooxood oo kaliya.

 

Chelsea oo kaalinta Afraad ku jirta, waxay afar dhibcood ka horreysaa Sheffield United oo kusoo xigta, isla markaana muujinaysa bandhig ciyaareed mucjiso ah oo iyaadoo kasoo baxday Championship-ka haddana ay awood u yeelatay inay cidhiidhsato booska shanaad.

 

Frank Lampard oo kasii fikiraya ciyaarta uu Axadda martida ugu noqon doono Arsenal, aqoon fiican ayuu u leeyahay qaab-ciyaareedka Southampton, waxaana uu dedaal kasta u geli doonaa sidii uu u samayn lahaa guul la mid ah middii uu niyadda kaga jabiyey tababarihiisii hore ee Jose Mourinho oo inta uu ugu tegay White Hart Lane uu 2-0 kusoo dhuftay. Xiddigii maalintaas ee Willian oo ay hadhaysay xiisad mustaqbalkiisa la xidhiidha ayaa diyaar u ah inuu maantana guul u horseedo naadiga uu sannadaha badan guushiisa u halgamayey.

 

Jinho iyo Christian Pulisic oo kaydka fadhiyey ciyaartii Totteenham ayaa baytariyada usoo buuxsaday in ay kulankan iyo kuwa soo socdaba lasoo baxaan tamartooda kaydsantay, waxaase isaguna diyaar ah Tammy Abraham oo ah dhaliyaha ugu goolasha badan ciyaaryahannada Blues.

 

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Blues ay ciyaartay horyaalka Premier League may ahayn kuwo ay natiijooyinkoodu farxad gelisay taageereyaasha, waxaanay lumiyeen 12 dhibcood, halka ay lix kaliya ururusadeen. Afar jeer oo laga badiyey iyo laba ay guuleysatay ayay Chelsea ka haysataa lixdii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka, laakiin Southampton ayaa soo qaadday tallaabooyin ay kaga soo baxday casaanka waxaanay lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay soo heshay toban dhibcood oo ka yimid saddex guulood, hal barbarro ah iyo laba laga badiyey.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Southampton

Tartanka: Premier League, kulanka 19aad

Waqtiga: 6:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Mateo Kovacic ayaa hal kulan oo ganaax ah ku maqnaan doona, waxaana booskiisa cidhiidhsan doona Jorginho oo ciyaartii Tottenham waqti dambe lasoo geliyey.

Reece James, Emerson Palmieri iyo Pulisic ayaa la filayaa inay kusoo bilowday, halka uu Michy Batshuayi  uu kasoo muuqan karo safka hore maadaama uu Tammy Abraham ka cabanayo dhaawac fudud oo ay suurtogal tahay in Lampard aanu khatar gelinin.

Southampton ma jiro culays cusub oo dhaawacyo ama ganaaxyo ah oo kusoo kordhay kaddib kulankii Sabtidii, waxaanu tababaruhu mar kale dooran karaa isla shaxdii uu 3-1 ku burburiyey Aston Villa.

Che Adams ama Sofiane Boufal ayaa hoggaamin doona weerarka, waxaana uu midkood nasiib u yeelan doonaa inuu a garab ciyaaro Shane Long haddii Hasenhuttle uu go’aansado inuu shan laacib oo khadka dhexe ah ku ciyaaro.

Shaxaha Macquulka ah ee labada kooxood:

 

Chelsea: Arrizabalaga; James, Rudiger, Zouma, Palmieri; Kante, Jorginho; Willian, Mount, Pulisic; Abraham

Southampton: McCarthy; Soares, Stephens, Bednarek, Bertrand; Armstrong, Ward-Prowse, Hojbjerg, Redmond; Long, Ings

Warbixinta oo Faahfaahsan Halkan Hoose ka Daawo:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker