Cidamada Booliska oo War Ka Soo Saaray Nin Dumar Ku Garaceen Hargeysa.

Ciidamada Booliska JSL ee Saldhiga Sheekh Nuur ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysanta Hoodo Cabdi Cali Ina Raaxo Xuseen 28jir oo ku eedaysan inay 26-1-2024 kii xilli Habeenimo ah waxyeello u gaystay Dhibane Caydaruus Cali , waxaanna falkaasi ku wehelinaayay Saddex dumar oo kale oo Ciidanku ku raad-joogo. Kuwaasi intay Dhibanaha Guri ku balamiyeen nabaro u gaystay , muuqaalna ka duubay iyagoo baraha bulshada ku faafiyay .

Hawlgallo iyo baadhid dheeriya oo Ciidanka Saldhigaasi sameeyay waxa uu kusoo qabtay Hal eedaysane , halka Saddexda kale Ciidanku ku raad-joogo. waxaanu dhammaantood degdeg u horgeyn doonaa sharciga.

Taliska Ciidanka Boolisku, wax uu bulshada uga digayaa falalka noocaasa ah ee diinta , dhaqanka iyo anshaxa suubban baal-marsan .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker